Obama: Isticmaalka drones-ka waa sharci

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Mey, 2013, 09:43 GMT 12:43 SGA
president Obama

Madaxweyne Barack Obama

Madaxweyne Obama waxaa uu sheegay inuu diyaariyay qaabab cusub oo loogu tala galay in lagu dhaqmo marka la adeegsanayo arrinta muranka dhalisay ee dayuuradaha aan duuliyaha lahayn si loo duqeeyo bartilmaameedyo kooxaha mintidiinta ee waddammada dibadda.

Madaxweynuhu khudbad ballaaran oo arrinta kahortagga argagixisa ku saabsan waxaa uu ku sheegay in dayuuradahaas la adeegsan doono oo keliya marka ay timaad halis dhow oo soo muuqata iyo marka la hubo in khasaare rayid ah uusan ka dhalan doonin weerarradaas.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa kaloo uu difaacay adeegsiga dayuuradaha aan cidina wadin inay tahay mid sharci ah, waxtarna leh.

Tirada badan ee dadka rayidka ah ee ku dhinta weerarrada dayuuradaha aanay cidi wadin waxay xiisad ka dhex abuurtay Maraykanka iyo waddammada Pakistan iyo Afqanistaan, oo iyagu ah kuwa inta badan loo adeegsado weerarrada dayuuradahaas aan duuliyaha lahayn.

Mr Obama waxaa uu qiray inay ka hari weyday dhibaatada dadka rayidka ah ee ku dhinta weerarrada dayuuradaha loo yaqaan drones-ka ee aan duuliyaha lahayan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.