Kenya: Waligii ma iman Kenya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 Mey, 2013, 11:12 GMT 14:12 SGA

Kenya ayaa beenisay eedo ah in ciidamadeeda amniga ay ku xadgudbeen mid ka mid ah laba nin oo loo haysto in ay magaalada London ku dileen askari British ah.

Afhayeen u hadlay dowladda, ayaa sheegay in Michael Adebolajo uusan waligii iman talka Iman.

Balse laba ka mid ah wargaysyada dalka Britain ayaa soo daabacay sawirro la qaaday isagoo saaran maxkamad dalka Kenya ah muddo laga joogo laba sano ka badan.

Waxaa la rumaysan yahay in la xiray isagoo damacsan in uu tababar la soo qaado kooxda Islaamiga ah ee al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Lix qof ayaa hadda ku jira gacanta Booliiska dalka Britain oo lala xiriirinayo dilka askariga British-ka ay ee maalintii Arbaca lagu dilay magaalada London.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.