Madaafiic lagu riday Labnaan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 Mey, 2013, 11:07 GMT 14:07 SGA
Madaafiic

Madaafiicda ayaa ku soo dhacday guryo.

Laba madaafiic ayaa ku soo dhacday xaafad magaalo madaxda Labnaan ee Beirut. Xaafada oo ay maamulaan dhaqdhaqaaqa Xisbulah ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan saddex qof.

Weerarka madaafiicda ayaa yimid kadib hadal uu shalay ku sheegay hogaamiyaha Xisbulah, Xasan Nasralah in dagaalyahanadiisa ay sii wadi doonaan dagaalka Suuriya ee ay ku taageerayaan Madaxweyne Asad.

Labnaan ayaa ka qayb noqotay dagaalka ka socda Suuriya, iyadoo Sunniyiinta Labnaan ay taageerayaan mucaaradka Shiicada Xisbulahna ay taageerayaan Dowladda Suuriya

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.