Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa eedeeyay ICC

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Mey, 2013, 15:08 GMT 18:08 SGA
AU summit

Shir-madaxeedka Midowga Afrika

Hoggaamiyeyaasha waddammada Midowga Afrika ee ku shiray caasimadda Itoobiya, Addis Ababa, waxay ku cambaareeyeen maxkamadda dembiyada ee caalamka inay Afrika cunsuriyad ahaan uga soo horjeeddo.

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, oo marti geliyay shirka oo lagu xusayo sannadguurada 50aad ee ka soo wareegtay dhismihii ururka Midowga Afrika, waxaa uu sheegay in maxkamadda ICC ay ka fogaatay ujeeddadii markii hore loo sameeyay ee la dagaallanka dembiileyaasha iska socda, dowlad xumida iyo dembiyada.

Ra'iisal wasaaruhu waxaa uu sheegay in habka Afrika loola dhaqmay uu hoos ugu dhacay wax uu ku tilmaamay jinsi cayrsi.

Mr Desalegn waxaa uu sheegay in kudhowaad dhammaan dadka la tuhunsan yahay ee maxkamadda ICC daba socoto ay yihiin Afrikaan, laakiin aanay taas macnaheedu ahayn in hoggaamiyeyaasha Afrika ay dembi ka wada shaqeynayeen.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.