Yurub oo cunaqabateynta hubka ka qaadday Suuriya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Mey, 2013, 09:25 GMT 12:25 SGA
EU foreign ministers

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Yurub

kaddib wada hadallo waqti dheer qaatay oo wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ku yeesheen magaalada Brussels, waddammada xubnaha ka ah ururkaas waxay go'aansadeen inay dib u eegaan bisha Agoosto inay mucaaradka hub siiyaan iyo in kale.

madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Catherine Ashton, waxay beenisay in waddammadu ay u liiceen cadaadis uga yimid dowladaha Britain iyo Fransiiska.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Biritishka, William Hague, waxaa uu sheegay inay muhiim ahayd in farriin cad loo diro dowladda Suuriya inay si dhab ah wada xaajood uga qayb gasho.

Waddammada Britain and France waxay doonayaan in xeerarka la beddelo si ay hub ugu diraan wax ay ugu yeereen mucaaradka qunyar socodka ah ee ka horjeeda xukuumadda madaxweyne Assad.

Hase ahaatee waddammo dhowr ah oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa tallaabadaas ka soo horjeeday, kuwaas oo sheegaya inay dagaalka sii xumeynayso oo keliya.

Midowga Yurub waxay cunaqabateynta ku sii haynayaan dowladda madaxweyne Bashar al-Assad, taasoo ay ku jirto hanti laga fariisiyo iyo xayiraado ku saabsan macaamil maaliyadeed iyo ganacsiga shidaalka.

hase ahaatee dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub waxaa loo oggol yahay inay mid-mid go'aan uga gaaraan haddii ay hub siinayaan kooxaha mucaaradka reer Suuriya iyo haddii kaleba.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.