Dayuurad ku burburtay Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Mey, 2013, 15:44 GMT 18:44 SGA
US drone

Dayuurad nooca aan duuliyuhu wadin ah

Kooxda dagaallamayaasha Soomaaliyeed ee al-Shabaab waxay sheegeen in dayuurad kuwa aan duuliyaha lahayn ah ee wax basaasa oo Maraykanku leeyahay ay ku soo dhacday deegaan ka tirsan dhulka ay kooxdani gacanta ku hayso.

Weriye BBC oo jooga Soomaaliya waxaa uu sheegay in dadka deggan tuulada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ay sheegeen inay arkeen burburka dayuurad yar hase ahaatee aanay xaqiijin karin inay ahayd dayuurad Maraykanku leeyahay ee nooca aan duuliyaha lahayn iyo in kale.

Maraykanku waxaa uu dayuuradaha aan duuliyaha lahayn u isticmaalayay Soomaaliya sannado badan taas oo qayb ka ah taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya iyo ciidammada Midowga Afrika ee dagaalka kula jira al-Shabab.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.