Sagaal oday oo xabsi laga sii daayay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Mey, 2013, 08:22 GMT 11:22 SGA
Borama town

Muuqaalka magaalada Borama

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (DUUR) oo beryahan hawl shaqo u joogay deegaannada Boorama iyo Xariirad ayaa xabsiga
ka sii daayay sagaal caaqil oo muddo saddex bilood ahayd ku xidhnaa jeelka magaalada Boorama iyadoo aan wax maxkamad ah la soo tagin.


Madax dhaqameedkaas waxaa la xidhay kaddib markii beelaha wada dega Awdal iyo Selel ay dhexmareen shaqaaqooyin keenay ammaan darro oo hal qof uu ku dhintay.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mr Duur oo xalay ku soo laabtay Hargeysa ayaa weriyaha BBC Axmed Saciid Cige maanta ku wareystay xafiiskiisa. faahfaahinta ka dhegeyso barnaamijyada idaacadda.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.