khatarta Islaamiyiinta ee qaaradda Afrika

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Mey, 2013, 17:06 GMT 20:06 SGA
Africa Islamists

Dagaallamayaasha Islaamiga ah ee Afrika

Iyadoo kooxaha mintidiinta islaamiga ah ee gobolka Sahara ee qaaradda Afrika ay weli awood u leeyihiin inay cududdooda muujiyaan walow Faransiisku farageliyay Mali, ayaa khabiir xagga ammaan oo ah diplomacy hore ee Qaramada Midoobay Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu eegayaa halista ay islaamiyiintu ku hayaan qaaradda Afrika.

waddammada ku yaal woqooyiga iyo galbeedka Afrika waxay noqdeen kuwo bartamaha u galay dagaal cusub oo ay ku soo qaadeen mintidiin islaami ah oo gacanta ka hadlaya, dagaalkaas oo aan lahayn aag loogu soo hagaago.

weerarro isqarxin ah oo toddobaadkii hore lagu soo qaaday saldhig milateri ee dalka Niger iyo goob macdanta uranium oo Faransiisku maamulo, iyo hareereyn bishii Jannaayo lagu sameeyay warshadda gaaska ee dalka Aljeeriya waxay muujinayaan xeeladaha naxariis darrada ah ee kooxaha dagaallamaya.

Ciidammada Faransiiska oo bilaabay inay ka baxaan dalka Mali afar bilood kaddib markii ay magaalooyinka woqooyiga dalkaas dib uga qabsadeen dagaallamayaasha islaamiga ah, waxay keentay in mintidiintu ay Internet-ka soo geliyaan faan ah inay bilaabatay guushoodii dagaalku.

hase yeeshee arrintani ma ahan wax soo booddo ah.

Mintidiinta iyo kooxaha xagjirka afkaarta kulul waxay isku fidiyeen oo saldhigyo ka qoteen gobolka Saaxil iyo Sahara oo dhan tobankii sano ee la soo dhaafay iyagoo ku hoos jira dalladda Al-qaacidada waddammada muslimka ee Maqrib oo magacooda loo soo gaabiyo AQIM.

kooxahani waxay isaga gooshaan oo ka hawl galaan dhul ka tirsan qaybaha koofur-galbeed iyo dhinaca koofureed ee dalka Liibiya, koofurta Aljeeriya, woqooyiga Niger, woqooyi-bari Mauritania iyo inta badan woqooyiga waddanka Mali. dhulkaas lama degaanka ballaaran ah waa mid ay jecel yihiin kooxaha dagaallama.

dadka arrimahan dersa waxay rumaysan yihiin inay jiraan ururro badan oo isqarinaya magaalooyin badan oo waaweyn, oo ay ku jiraan caasimadaha waddammada gobolka Saaxil.

Waxaa jira sababo dhowr ah inay kobcaan shabakadda mintidiinta ah: waxaa ugu weyn islaweynida iyo musuqmaasuqa laga aamminsan yahay dabaqadda haysa xukunka dowladda madaniga ah, mujtamaca saboolka ah oo geeska la geliyay miyi iyo magaalo labadaba, sidaas awgeed dhallinyaro badan oo dacdarreysan ayaa ku faraxsan inay ku biiraan kooxaha xagjirka ah kuwaas oo aan ku socon fikrad diineed oo keliyq balse dhaqaale doon ah.

waxaana gobolka ka jira ka ganacsi mukhaadaraad oo aad u ballaaran lana rumaysan yahay inay ka taajireen kooxaha mintidiinta ah.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.