Boliiska Kenya iyo qaxootiga Soomaalida

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Mey, 2013, 12:37 GMT 15:37 SGA
Human Rights Watch

Dhismaha Human Rights Watch

Kooxda culays saarka ee saldhiggeedu yahay magaalada New York, Human Rights Watch, ayaa sheegtay in boliiska Kenya ay jirdil, kufsi iyo tacaddiyo kale u geysteen ugu yaraan kun qof oo qaxooti ah muddo toban toddobaad gudahood ah.

Warbixin ay soo saartay, kooxdu waxay ku sheegtay in qaxootiga Soomaalida iyo Itoobiyaanka ee ku nool xaafadda Eastleigh ee duleedka Nairobi lagu tilmaamay inay yihiin argagixiso si aan kala sooc lahaynna la isaga xirxiray.

Human Rights Watch waxay sheegtay inay jirtay wax ay ku tilmaantay aamusnaan iska dhegatir ah ee hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga inkastoo ay xafiisyo ku leedahay agagaarka meelaha tacaddiyadaasi ka dhaceen.

Tacaddiyada la sheegay waxay bilawdeen bishii November ee sanadkii hore kaddib markii dowladda Kenya ay amartay qaxootiga magaalooyinka ku nool inay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga ee ku yaal bariga waddanka.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.