Xildhibaan loo xiray fal dil ah Hargeysa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Mey, 2013, 12:45 GMT 15:45 SGA
Somaliland police

Ciidanka Boliiska Somaliland

Ciidanka boliiska ee Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa ee dhowaan la soo doortay, kaas oo magaciisa ay boliisku ku sheegeen Xildhibaan Musdafe Cismaan Daahir.


Taliye xigeenka Ciidanka boliiska Somaliland sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa maanta BBC-da u sheegay in xildhibaankaasi loo haysto inuu nin xalay ku dilay xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Hargeysa.

Boliisku waxay sheegeen in baadhis xoog lihi socoto oo ku saabsan dilkaasi, hase ahaatee faah--faahin kale oo dheeraad ah bollisku ma aanay bixin.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.