Boliiska anshaxa diinta ee Sacuudiga

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Mey, 2013, 14:20 GMT 17:20 SGA
Saudi police

Ciidan ka tirsan boliiska Sacuudiga

Madaxa booliska anshaxa diinta ee waddanka Sacuudiga ayaa sheegay inay khalad tahay iskudayga in haweenka laga horjoogsado inay dukaammada ka shaqeeyaan.


Sheekh Cabdilatif Al Sheikh waxaa uu xubnaha ciidankiisa uga digay inaysan u xoog sheegan ama dhibaato u geysan dadka iyagoo sheeganaya magaca boliiska diinta.

Hadalladiisu waxay soo baxeen iyadoo uu khilaaf taagan yahay ka dhashay hadallo wadaad Sacuudi ah isla markaana ah qoraa oo isagu dhiirrigeliyay in la dhibo haweenka fadhiya maaqallada lacagta lagu qaado ee dukaammada dhexdooda si ay haweenku shaqada u nacaan oo isaga tagaan.


Dr Cabdilatif al-Sheikh waxaa shaqadaas loogu dhiibay inuu hagaajiyo sumcadda boliiska anshaxa diinta.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.