Ciraaq oo ka qayb gelaysa dib u dhiska Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Mey, 2013, 11:17 GMT 14:17 SGA
Building Somalia

Dhismayaasha ku burburay Soomaaliya

Markii ugu horreysey muddo dhowr iyo labaatan sano ah ayaa dalka Ciraaq oo muddo dheer dhibaato ka taagneyd waxaa uu ka hirgelinayaa Soomaaliya mashaariic dhismo ay ku baxayso lacag gaareysa 15 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Heshiis arrinkaasi ku saabsan ayaa waxaa magaalada Baqdaad ku kala saxiixday wasaaradda howlaha guud ee Soomaaliya iyo wasaaradda howlaha guud ee dalka ciraaq.

Eng. Nadiifa Maxamed Cismaan oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda howlaha guud, dib udhiska, gaadiidka badda, Dekedaha iyo Tamarta ayaa dhanka xukuumadda Soomaaliya heshiiskaasi u saxiixday.

Weriyaha BBC-da Yusuf Hassan ayey Nairobi ugu warrantay markii ay ka soo laabatay Baqdaad, waxayna sheegtay in lacagtaas lagu dhisayo xaruntii wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta, machadkii SIDAM ee horumarinta maamulka iyo maareynta oo qaab casri ah loo dhisi doono iyo sidoo kale isbitaalkii Laasereeti ee xanuunnada maskaxda iyo qaaxada lagu daaweyn jiray.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.