Wargeyska Monitor oo dib loo furay Uganda

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Mey, 2013, 12:40 GMT 15:40 SGA
Monitor

Xarunta Wargeyska Daily Monitor

Wargeyska Daily Monitor ee dalka Uganda waxaa dib loo furay kaddib markii uu muddo toddobaad ka badan u xirnaa amar ay mas'uuliyiinta dowladdu bixisay.

Shaqaalaha wargeyska ayaa ku warramay in ciidan boolis ah oo xarunta wargeyska haystay ay haatan isaga tageen. Wargeyska waxaa la xiray kaddib markii uu daabacay warqad la sheegay inay ka timid generaal ciidammada ka tirsan oo macnaheedu ahaa in madaxweyne Yoweri Museveni uu wiilkiisa u diyaarinayo inuu xukunka ku wareejiyo.

Warqaddu waxay sheegaysay in ciddii arrintan ka hortimaad ay halis ugu jirto in la khaarijiyo. hadal dowladda ka soo baxay waxaa lagu sheegay in milkiilayaasha wargeysku ay ka shallaayeen warqaddaas.

labo idaacadood oo ku xiran wargeyska Monitor ayaa sidoo kale albaabada loo xiray, iyo weliba wargeys kale.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.