Warbixin xaaladda carruurta adduunka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Mey, 2013, 16:00 GMT 19:00 SGA
Disability

Mid ka mid ah carruurta naafada ah

Warbixin sanadkiiba mar ay ka soo saarto xaaladda carruurta adduunka, ayaa hay'adda UNICEF waxay ku sheegtay in haddii carruurta naafada ah lagu taageero waxbarasho iyo waxyaabaha ay qaban karaan ay taasi dan u tahay carruurta laf ahaantooda iyo guud ahaan bulshada oo dhan.

Agaasimaha fulinta ee UNICEF, Anthony Lake, waxaa uu sheegay in marka naafanimada aad aragtid inta aadan ilmaha eegin aysan taasi khalad ku ahayn ilmaha oo keliya, balse ay bulshada oo dhan u diideyso wixii ilmahaas laga heli lahaa.

"khasaaraha carruurta naafada ah waa khasaare bulshada soo gaaray, faa'iidada carruurtaasina waa faa'iidada bulshada", ayay sheegtay UNICEF.carruur badan oo naafo ah, bulsho ka saariddu waxay u bilaabataa markay dhashaan iyadoo aan la diiwaan gelin dhalashadooda. la'aanta aqoonsi rasmi ah, waxay carruurtaasi ka goysaa adeegyada bulshada iyo difaac shari inay helaan taas oo muhiim u ah noloshooda iyo rajada mustaqbalkooda.

carruurta naafada ah waxay ka mid yihiin dadka adduunka loogu takoor badan yahay. Waxay ku nool yihiin saboolnimo inta badanna ma dhacdo inay dugsi aadaan ama isbitaal lagu daweeyo.

Warbixinta UNICEF waxay dowladaha adduunka oo dhan ka codsanaysaa inay ka soo baxaan ballammadoodii ahaa inay muwaadiniintooda xuquuq siman siiyaan. hay'adaha caalamiga ahna waxaa lagu boorriyay in talooyinka iyo mucaawinada ay waddammada siiyaan ay ku dhisnaato xuquuqda carruurta iyo heshiiskii xuquuqda dadka naafada ah.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.