Boliiska Kenya oo la eedeyey

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 1 June, 2013, 23:42 GMT 02:42 SGA

Media Player

Hay'adda u doodda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in boliiska Kenya ay tacaddiyo u geystaan qaxootiga Soomaalida iyo Itoobiyaanka, iyagoo ku eedeynayo inay yihiin argagixiso.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa sheegtay in boliiska Kenya ay jirdil, kufsi iyo tacaddiyo kale u geysteen ugu yaraan kun qof oo qaxooti ah muddo toban toddobaad gudahood ah.

Warbixin ay soo saartay, kooxdu waxay ku sheegtay in qaxootiga Soomaalida iyo Itoobiyaanka ee ku nool xaafadda Islii ee Nairobi lagu tilmaamay inay yihiin argagixiso si aan kala sooc lahaynna la isaga xirxiray.

Human Rights Watch waxay sheegtay inay jirtay wax ay ku tilmaantay aamusnaan iska dhegatir ah ee hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga inkastoo ay xafiisyo ku leedahay agagaarka meelaha tacaddiyadaasi ka dhaceen.

Tacaddiyada la sheegay waxay bilawdeen bishii November ee sanadkii hore kaddib markii dowladda Kenya ay amartay qaxootiga magaalooyinka ku nool inay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga ee ku yaal bariga waddanka. Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa noo diyaariyey Rage Xassan Cismaan

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.