Heshiiska cusub ee Soomaaliya iyo Kenya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 June, 2013, 17:24 GMT 20:24 SGA
Wasiirka arrimaha dibedda Kenya

Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in ay qabtaan shir caalami ah oo qaxootiga looga hadlayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya in la dhiso guddi ka shaqeynaya xiriirka labada dal.

Hadalkan ayaa soo baxay kaddib shir ay magaalada Nairobi ku yeesheen Wasiirrada arrimaha dibedda ee labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Maxamad, ayaa sheegtay in labada dowladood ay xoojin doonaan isla markaana dib u eegi doonaan heshiisyadii ay horey u kala saxiixdeen.

Labada dowladood ayaa sanadihii 2005-ta iyo 2009-ka kala saxiixday heshiisyo la xiriira iskaashiga u dhexeeya labada dowladood.

Shir jaraa'id oo wadajir ay ugu qabteen xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya, ayay ku sheegeen in bisha siddeedaad ay qaban doonaan shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed.

Dowladda Kenya ayaa doonaysa in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda. Hasa ahaatee, labada wasiir waxay sheegeen in qaxootiga loo celin doono si waafaqsan sharciyada caalamiga ee qaxootiga.

Heshiiska waxaa qeyb ka ah in dowladda Kenya ay aqoonsatay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u xasilinta iyo dib u heshiisiinta dalka.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah kuwa AMISOM ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.