Dowladda Kismaayo waa "lagu soo dhaweeyey"

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 June, 2013, 12:29 GMT 15:29 SGA
Kismaayo

Dowladda ayaa sheegtay in lagu soo dhaweeyey Kismaayo

Wasiirka difaaca ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdixakim Xaaji Fiqi, ayaa BBC-da u sheegay in wafdigii dowladda ee uu hoggaaminayay "si weyn loogu soo dhaweeyey" magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa dhwor maalmood ku xayirnaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ka hor intaan loo oggolaan inay gudaha u galaan magaalada.

Fiqi ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Maxamad Ibraahim Mucallimu u sheegay in dowladdu ay taageera ku leedahay magaalada Kismaayo.

Wasiirku waxaa uu sheegay in shir dib u heshisiin ah dhawaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

Shir bilo ka socday magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in lagu doortay Axmed Sheekh Maxamad Islan oo ku magac dheer Axmed Madoobe, iyadoo Aden Barre Shire (Hiiraale) uu isaguna sheegay in loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Jubbaland. Dhwor ruux oo kale ayaa iyaguna sheegatay in loo doortay in ay hoggamiyaan isla gobolladaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay arrintaas oo sheegtay in aanay waafaqsanayn destuurka federaalka Soomaaliya.

Wasiirka difaaca ee Soomaaliya ee haatan ku sugan Kismaayo ayaa sidoo kale ka hadlay isgaarsiinta uu sheegay inay maagaalada ka go'an tahay, waxaana uu ku tilmaamay mid khalad ah.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.