Muddaaharaadyada ballaaran ee Turkiga

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 June, 2013, 16:37 GMT 19:37 SGA
Dibedbaxyada Turkiga

Turkiga ayaa maalintii afaraad waxaa ka socda dibedbaxyo rabshada wata

Iska horimaadyo u dhexeeya dibedbaxayaal careysan iyo boliiska ayaa ka soo cusboonaaday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo maalintii afaraad si isdabajoog ah ay u socdaan muddaaharaadyada looga soo horjeeda dowladda Ra'iisal Wasaare Recep Tayyib Erdogan.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa iska horimaadka ku tilmaamay, mid kamid ah kuwii ugu darnaa tan iyo markii ay muddaaharaadyada billawdeen.

Boliisku waxay isticmaaleen qasabdaha biyaha sayra iyo sunta dadka ka ilmeeysiisa si ay u kala eryaan muddaaharaadayaasha.

Masaajiddada iyo jaamacadaha ayaa loo baddalay cisbitaalo lagu daaweeyo dadka dhaawaca ah.

Wasiiirka Arimaha Gudaha ee Turkiga, Mucammar Guler, ayaa sheegay in 1,700 ruux loo xiray rabshadaha ka dhacay waddanka oo dhan.

Muddaaharaadayaasha ayaa ku baaqaya in uu is casilo Ra'iisal Wasaare Recep Tayyib Erdogan.

Mid kamida Muddaaharadayaasha ayaa BBC-da u sheegay in rabshadaha dhacaya ay ka leexiyeen fariintii ay doonayeen in ay u gudbiyaan dowladda.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa cambaareyey dibedbaxyada, waxaa uuna sheegay in dowladdisu ay baareyso xadgudubyada la sheegay in ay geysteen ciidanka boliiska.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.