Hub kiimiko ah oo loo adeegsaday Suuriya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 June, 2013, 11:28 GMT 14:28 SGA
Syria abuse

Tacaddiyada Suuriya ka dhacaya

Warbixin Qaramada Midoobay ay ka diyaarisay xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay dalka suuriya ayaa sheegaysa in ay jiraan sababo macquul ah oo keeni kara in la aamino in hub kiimiko ah ay adeegsadeen labada dhinac ee isaga soo horjeeda dagaalka.

Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in afar jeer ay dowladdu adeegsatay hubkan iyo in hal mar ay mucaaradku adeegsadeen, balse ma aysan sheegin nooca kiimikada ah ee la isticmaalay.

Warbixintan ayaa waxaa lagu saleeyey waraysiyo ay ku marag kaceen dadka dhibaatadu ay ka soo gaartay colaadda, shaqaalaha caafimaadka iyo goob joogayaal kale.

Weriye BBC-da u soo warrama ayaa sheegaya in warbixintu ay sharraxeyso waddan ku sii fogaanaya waxshnimada oo ay caadi ka noqdeen rabshadaha foosha xun iyadoo carruurtana lagu khasbo in ay ka qayb qaataan xadgudubyada ay ka mid yihiin dadka la qoor goynayo.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.