Boko Haram oo laga mamnuucay Nigeria

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 June, 2013, 08:28 GMT 11:28 SGA
Abubakar Shekau

Hoggaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau

Dowladda Nigeria waxay mamnuucid rasmi ah ku soo rogtay kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram, oo ay ku sheegtay inay tahay urur aragixiso. Qaanuunka cusub ee kooxdan lagu mamnuucayo waxaa kaloo uu qabanayaa kooxda Ansaaru al-Diin - oo la tuhunsan yahay inay ka farcantay Boko Haram.

Amarka mamnuucidda waxaa soo saaray madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan. waxaa uu macnuhu yahay in cid kasta oo taageerta hawlaha labadaasi kooxood ay muteysanayso xabsi ugu yaraan 20 sano.

Maalintii Isniinta, Maraykanku waxaa uu ku yaboohay abaalgud gaaraya ilaa toddoba milyan dollar ciddii gacan ka geysata soo qabashada hoggaamiyaha Boko Haram, Abubakar Shekau.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.