Dib u celinta qaxootiga Soomaalida

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 June, 2013, 08:47 GMT 11:47 SGA

Qaxootiga Soomaalida ee xeryaha Dhadhaab

Waxaa xalay fiidkii soo gebageboobay kulan laba maalmood uga socday dalka Kenya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

War qoraal ah oo ka soo baxay kulankooda ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay isla meel dhigeen in shir caalami ah lagu qabto Kenya bisha Agoosto, kaas oo ay wada guddoominayaan Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobey, si xal loogu helo dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee muddada ka badan labaatanka sano martida u ahaa Kenya.

Haddii ay saddexdaas dhinac isku afgartaan qaabka loo celin karo qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee gobolka woqooyi bari Kenya, laguna guulaysto tallaabadaas, waxaa laga yaabaa inay horseeddo in dowaldda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ay sidoo kale wada hadallo la bilaabaan waddammada kale ee marti geliya qaxootiga Soomaalida ee faraha badan sida Itoobiya iyo Yemen, si looga wada xaajoodo dib u celinta dadkaas oo mararka qaarkood dhibaatooyin kala duwan kala kulma nolosha qaxootiga.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.