Dagaal maanta Kismaayo ka dhacay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 June, 2013, 16:48 GMT 19:48 SGA

Dadka Magaalada Kismaayo

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in ugu yaraan toddoba qof ay ku dhimatay dagaal halkaas ku dhexmaray labo maleeshiyo oo kala taageersan qaar ka mid ah ragga dhowrka ah ee isku haya xukunka maamulka gobollada Jubbooyinka.


Dadka dhintay waxay isugu jiraan maleeshooyin iyo qaar rayid ah oo xabbaddu haleeshay. Tiro kale ayaa iyaguna ku dhaawacmay rasaastii la isweydaarsanayay.
Wararku waxay sheegeen in dagaalku dhexmaray rag ka tirsan ciidanka Axmed Madoobe oo dhowaan ku dhawaaqay in loo doortay madaxweynaha gobollada Jubboyinka iyo Gedo iyo dagaalyahanno taabacsan Iftin Xasan oo ka mid ah ragga loollanku kala dhexeeyo.


Waxaa Kismaayo jooga xubno ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka difaaca Cabdixakiim Maxamuud Xaaji oo wadey iskuday in kooxaha halkaas isku haya shir dib u heshiisiineed loogu qabto magaalada Muqdisho, iyadoo dowladdu sheegtay inaysan midkoodna maamul jira u aqoonsaneyn.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in magaaladu caawa deggan tahay, hase ahaatee ay dadweynuhu ka cabsi qabaan in rabshadaha caynkaas ahi ay soo noqnoqon karaan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.