Muranka Maraykanka iyo jaraa'idka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 June, 2013, 07:52 GMT 10:52 SGA

Madaxa sirdoonka Maraykanka Mr Clapper

Wargeyska the Washington Post ee Maraykanka iyo kan British-ka ee the Guardian, waxay sheegeen in hay'adaha sirdoonka Maraykanku ay si toos ah faraha ugula jireen xarumha macluumaadka lagu keydiyo ee sagaal sharikadood oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn xagga Internet -- oo ay ku jiraan Microsoft, Yahoo, Google iyo Facebook -- si ay shakhsiyaad u daba galaan.

Wargeysyadu waxay bixiyeen tafaasiil ku saabsan barnaamij dowladda oo la sheegay inuu qarsoodi ahaa, loona yaqaan PRISM, kaas oo video-yaal gaar loo leeyahay, sawirro iyo e-mail-lo lagula soo baxay si loo daba galo dad si gaar ah loo doonayo. barnaamijkaas dowladda waxaa la sheegay inuu shaqeynayay muddo lix sano ah.

Facebook iyo Apple way ka jawaabeen arrintan iyagoo sheegaya inaysan hay'adaha dowladda siinin wax galaangal toos ah oo ay u yeeshaan macluumaadka ay ka hayaan macaamiishooda.

Madaxa sirdoonka Maraykanka, James Clapper, waxaa uu cambaareeyey wararka jaraa'idku daboolka ka qaadeen . Mr Clapper waxaa uu sheegay in wararkaas ay ka buuxaan waxyaabo aan sax ahayn, ayna saameyn waqtiga fog iyo waxyeello aan laga soo waaqsan karin ku yeelan doonaan awoodda hay'adaha sirdoonku ay wax kaga qaban lahaayeen halis fara badan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.