Queen Elizabeth II oo furtay xarunta BBC

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 June, 2013, 11:32 GMT 14:32 SGA

Queen Elizabeth II

Boqoradda Britain, Queen Elizabeth, ayaa rasmi ahaan u furtay xarunta BBC-da ee bartamaha London - oo ah guriga Broadcasting House ee dib u dhiska casriga ah lagu sameeyay.

Boqoraddu waxay ku soo wareegtay qaybaha kala duwan ee BBC-da iyadoo ay wehliyaan madaxda sare ee hay'adda iyo kuwa laamaha kala duwan, waxayna la kulantay weriyeyaasha, soo saarayaasha barnaamijyada iyo shaqaalaha BBC-da ee halkaas ka hawl gala.

khudbad toos ah ayay boqoraddu idaacadda radio-ga BBC-da uga jeedisay ummaadda ku dhaqan dalka UK.

Boqoraddu waxay wadataa hawlaheeda rasmiga ah iyadoo seygeeda, Prince Philip, isbitaal lagaga sameynayo qalliin caloosha ah magaalada London.

Amiirka, oo maalinta Isniinta ee soo socota da'diisu noqonayso 92 jir, waxaa la filayaa inuu isbitaalka ku jiro muddo labo toddobaad ah. Waa markii afaraad ee isbitaal uu galo muddo 18 bilood gudahood ah.

Xaruntan oo lagu tilmaamo tan ugu weyn guri warbaahineed ee adduunka luuqado kala duwan laga sii daayo, waxaa ka hawl gala qaybaha BBC-da ee Terlevision-ka, Radio-ga iyo Online-ka ee gudaha iyo dibadda intaba la hadla. waxayna BBC-du u soo guurtay horraantii sanadkii 2012.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.