Soomaalida Koonfur Afrika oo dhiidhiyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 June, 2013, 12:15 GMT 15:15 SGA

Soomaalida Koonfur Afrika ku nool

Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka koonfur Afrika ayaa socod ku tegay baarlamaanka dalkaas ee magaalada Cape Town hortiisa iyagoo ka ashtakoonaya dilalka iyo dhaca ku dhisan ajnabi nacaybka ee lagula kaco dadka shisheeyaha ee dalkaas ku nool.

Labo Soomaali ah ayaa bishan lagu dilay dalka South Africa, kuwaas oo midkood la dilay khamiistii shalay. dhibaatada lagu hayo Soomaalida South Africa waxaa kaloo laga dareemay magaalada Nairobi oo maanta salaaddii Jimcaha kaddib ay dadka qaar isugu soo baxeen xaafadda Eastleagh ee Soomaalidu ku badan tahay, kuwaas oo sheegay inay ka xun yihiin waxyeellada loo geysanayo walaalahooda Soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika.

Dowladda Soomaaliya waxay dhowaan weydiisatay mas'uuliyiinta South Africa inay wax ka qabtaan difaacidda kumannaan Soomaali ah oo ka cararay dagaalka waddankkoda ganacsiyo kala duwanna ka sameystay dalka South Africa.

Weriye BBC-da uga soo warrama magaalada Cape Town waxaa uu sheegay in weerarrada ka dhanka ah dadka ajnabiga ah ay dhowaanahan dib u soo noqdeen, taasoo qayb ahaan ay ugu wacan tahay shaqo la'aan aad u weyn o haysata dhallinyarada reer South Africa.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.