Axmed Madoobe oo qaaddacay shirka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 June, 2013, 16:21 GMT 19:21 SGA
Axmed Madoobe

Maammulka Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu qaaddacay shirka looga hadlayo Jubbooyinka ee dowladdu ay ku dhawaaqday

Maammulka Axmed Madoobe ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu qaaddacay shirka ay dowladda ku dhawaaqday ee la doonayo in looga hadlo arrimaha gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Afhayeenka Maamulkan, Cabdinaasir Seeraar, ayaa sheegay in uu tegi doono shirkaas oo keliya haddii dowladdu ay aqoonsato maammulkooda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr maalmood ka hor ku dhawaaqay in uu qaban doono shir la doonayo in lagu xalliyo khilaafka Kismaayo.

Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan ciidammada Kenya oo hoos tego xoogagga Afrikaanka ee ka holwgalo Soomaaliya.

Kenya ayaa horey loogu eedeeyay inay taageerto dhinac ka midh ah dhinacyada ku loollamaya Kismaayo.

Wadahadallo u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaan laga gaarin wax natiijo ah marka la eego arrimaha Jubbooyinka

Waxaa muuqata in labada dal aanay isku fahmin arrinta Kismaayo, in kasto oo aan la ogayn saamaynta ay arrintan ku yeelan karto xiriirka guud ee ka dhexeeya labada dal.

Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku dhimatay dagaallo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Kismaayo oo u dhexeeyay dhinacyada ku hardamaya magaalada.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.