Ninka bixiyay sirta sirdoonka Maraykanka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 June, 2013, 14:46 GMT 17:46 SGA
Snowden

Edward Snowden waa ninka bixiyay sirta sirdoonka Maraykanka

Edward Snowden, oo horey ula shaqeyn jiray hay'adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, ayaa sheegay in uu gudbiyay warar sir ah oo ay leeyihiin sirdoonka Maraykanka si uu u ilaaliyo xorriyadda aadanaha.

Labo wargeys oo laga leeyahay dalka Britain iyo Maraykanka, the Guardian iyo the Washington Post, ayaa bannaanka soo dhigay ninkan oo u soo gudbiyay xog la xiriirta barnaamij dadka lagu dabagalo, oo aan horey loo ogayn.

Snowden ayaa sheegay in CIA-du ay caqabad ku tahay awoodda dowladda, oo ayna halis ku tahay hannaanka dimuqraadiyadda.

Barnaamijka uu kashifay Snowden ayaa lagu dabagalayay malaayiin ruux oo ku kala sugan dunida, iyadoo la dhagaysanayay telefoonnadooda isla markaana la akhrinayay farriimahooda bogga internet-ka.

Wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegaysa in ay billawday baaritaanno la xiriira macluumaadka sirdoonka ee amar la'aanta la bixiyay.

Dowladda Britain ayay soo food saartay dhaleeceyn la xiriirta in ay adeegsatay warbixinno ay curiyeen sirdoonka Maraykanka, si ay u garab maraan sharciyada u yaalla dalka Britain ee la xiriira dabagalka dadka.

Ras'iisalwasaaraha Britan David Cameron ayaa sheegay in sirdoonka Britain ay u howl galaan si waafaqsan sharciga.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.