Xisbullah oo ku biiray dagaalka Suuriya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 June, 2013, 04:40 GMT 07:40 SGA
Bashar Al-Asad

Mucaaradka Suuriya ayaa sheegay inay doonayaan in xukunka ay ka tuuraan madaxweyne Asad

Hoggaamiyaha ururka haysta madhabka Shiicada ee ka dagaallama dalka Lubnaan ee Xisbullah, Xasan Nasrallah, ayaa sheegay in xogaggooda ay ka garab dagaallami doonaan ciidammada madaxweyne Bashar al-Asad.

Mar uu la hadlayay taageerayaashiisa, ayaa Nasrallah waxa uu sheegay in xoogaggiisa la geyn doono goob kasta oo ka tirsan Suuriya haddii loo baahdo.

Dagalyahanka ururka Xisbullah ayaa la aaminsan yahay in dowr lixaad leh ay ku lahaayeen guushii ay ciidammada dowladda ku qabsadeen magaalada Qusayr ee ku taalla xadka labada dal.
Dowladda Suuriya ayaa ku tilmaantay eedda loo soo jeediyay ee ah inay adeegsatay hubka kiimikada ah, mid been abuur ah.
Maraykanka ayaa sheegay in Suuriya ay adeegsatay hubka kiimikada ah ee halista ah, iyadoo madaxweyne, Barack Obama, uu dagaallada Suuriya kala hadlayo madaxda Midowga Europe, kaddib go'aankiisii ahaa in taageera milteri oo toos ah uu siiyo mucaaradka la dagaallamaya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Bashar al-Asad.
Madaxweynaha ayaa shir hal saac socday, oo lagu wadahadalyay qadka video-ga ama maqalka iyo muuqaalka leh, la yeeshay madaxda Britain, Fransiiska, Jarmalka iyo Talyaaniga, ka hor shirka waddamada sideedda ee addunka ugu hormarsan ee G-8, ee la qaban doono toddobaadka soo socda.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.