Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka G8

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 June, 2013, 13:31 GMT 16:31 SGA
Fowsiyo Yusuf

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladdu ay ka faa'idaysatay shirka G8

Madaxweeynaha Somalia Xassan sheekh Maxammuud ayaa ka qeybgalay kulamo hor u dhac u haa shirka waddamada ugu dhaqaalaha weyn dunida ee loo yeqaanno G8.

Shrikaasi ayaa maanta ka furmay woqooyiga Ireland.

Madaxweeynaha waxa uu ka mid ahaa hggaamiyayaal Afrikaan ah oo lagu casuumay in kulamada hor u dhaca ah ay kaga qeybgalaan magaalada London.

Wafdiga madaxweeynaha waxa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibedda Fowsiye Xaji Aden, oo BBC-du u sheegtay in dowladda Soomaaliya ay qorshe la tegtay shirkaasi.

Waxay sheegtay in arrimaha shirka hor u dhaca looga hadlay ay ka mid yihiin sida loo qaadayo canshuuraha, oo ay sheegtay in dowladdu ay ka faa'idaysatay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qeybgalaya shir heerkiisu sidaasi u sarreeya oo ay isugu imaanayaan madaxda ugu awoodda weyn dunida.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.