Britain oo baarayso inay dad ka dhinteen

mogadishu bombing
Image caption qarax ka dhacay Muqdishu

Dowladda Britain ayaa sheegtay inay baarayso inay dad uga dhinteen weerarka lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay weerarkaasi.

Dadka halkaas ku dhintay waxaa ku jira kuwii weerarka ku qaaday xarunta Qaramada Midoobay.

Afar ka mid ah dadka dhintay ayaa la sheegay in ajnebi ay yihiin.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in gudaha dhismaha UNDP-da iyo inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo KM4 uu dagaal ka dhacay.

Ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay inay sugeen ammaanka dhismaha UNDP-da.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka maanta.

Xarunta hay'adda Qaramadda Midoobay ee UNDP ayaa ah xafiisyo ay inta badan ka shaqeeyaan ajnabi iyo Soomaali, lamana xaqiijin karo tirada dadka joogay xarunta iyo dhalashadooda toona.

Qof goob jooga ah oo BBC-da la xiriirtay ayaa sheegay in uu burbur weyn gaaray dhismayaasha ka soo horjeeda xarunta UNDP ee ku taalla waddada ka soo baxada gegida diyaaradda ee aadda lambar Afar.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkan.