Mandela oo weli xaaladdiisu liidato

  • 25 Juunyo 2013
Image caption Nelson Mandela waxa uu hadda jiraa 94 sano

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Nelson Mandela aanay weli xaaladdiisa caafimaad wax iska beddelin.

Mr Mandela, oo 94 jir ah waxa uu yaalay isbitaal ku yaal magaalada Pretoriailaa 8 bishan June waxaana laga daweynayaa xanuun soo noqnoqday oo dhinaca sambabada ah, waxaana maalintii Axadda xaaladdiisa lagu sheegay mid aad u liidata.

Dhakhaatiirta ayaa waxa weli isku dayayaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen in uu ka bogsado xanuunka.

Hadalkan dowladda Koonfur Afrika ayaa soo baxay iyada oo xubnaha qoyska Mandela ay kulan ku leeyihiin gurigiisa ku yaal tuulada Qunu.

Gabadhiisa ugu weyn, Makaziwe, iyo qaar kale oo ka mid ah caruurta uu awoowaha u yahay ayaa la sheegay in ay kulankaasi ka qeybgalayaan.

Wax badan lagama og kulanka qoyska, kaasi oo warbaahinta Koonfur Afrika ay sheegeen in looga hadlayo wax ay ugu yeereen arrimo qoys oo xasaasi ah.

Dadka dalka Koonfur Afrika ayaa u duceynaya Madaxweynaha hore Nelson Mandela oo in muddo ahba xanuunsanaa, isla markaana dhawr jeer isbitaalka la geeyay labadii sano ee ugu dambeeyay.