Xasan Daahir oo u baxsaday Cadaado

Image caption Xasan Daahir waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyayaasha al-Shabaab

Xasan Sheekh Daahir ayaa waxa uu doon kaga soo baxsaday laba maalmood ka hor magaalada Baraawe oo ka mid ahayd meelaha ay gacanta ku hayeen al-Shabaab.

Waxa uu ka soo degay xeebaha gobolka Mudug isaga oo markii danbe loo wareejiyay xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb ee Cadaado.

Maamulka ayaa xaqiijiyay inuu soo gaaray Xasan Sheekh Daahir, balse lama oga sababta uu halkaa u yimid.

Arrintan ayaa imanaysa kadib markii khilaaf weyn uu soo kala dhexgalay al-Shabaab.

Maamulka Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa waxa ay ka codsadeen maamulka Ximan iyo Xeeb inay ku soo wareejiyaan Xasan Daahir oo ay ku tilmaameen inuu yahay nin dambiile qaran ah, si ay caddaaladda u marsiiyaan.

Xasan Daahir Aweys ayaan heysan ciidan badan waxaana si xooggan loo wiiqay awooddiisi ciidan.