Mandela oo xalay soo roonaaday

  • 27 Juunyo 2013
Image caption Mandela waxa uu isbitaal ku jiray muddo laba toddobaad ah

Madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa sheegtay in xaaladda Nelson Mandela ay xalay soo hagaagtay -- laakiin waxaa intaa lagu daray in weli ay halis tahay, inkastoo ay deggan tahay.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa joojiyay socdaal uu ku tagi lahaa dalka Mozambique, waxaana uu dib ugu laabtay isbitaalka lagu daweynayo Nelson Mandela ee magaalada Pretoria.

Kadib markii ay isbitaalka ku booqatay gabadhiisa ugu weyn Makaziwa ayaa waxay sheegtay in aanay xaaladdu wanaagsaneyn, laakiin uu Mr Mandela jawaab bixinayay iskuna dayay in uu indhaha kala qaado markii xubno ka tirsan qoyskiisa ay la hadleen.

Hoggaamiyaha hore, Nelson Mandela ayaa waxa uu yaal isbitaal in ka badan laba toddobaad isaga oo ka xanuunsanaya sambabada.

Wali waxaa imanaya isbitaalka lagu daweynayo hortiisa dad badan oo u duceynaya Mr Mandela.

Makaziwe Mandela waxa ay si kulul u cambaareysay qaabka ay warbaahinta caalamku u soo dhoobteen isbitaalka , waxaana ay ugu baaqday inay tixgeliyaan sharafta iyo arrimaha u gaarka ah qoyskooda.