Xasan Daahir oo lagu xiray Muqdisho

Aweys
Image caption Xasan Dahir Aweys Muqdisho ayuu ka degay

Hogaamiye dimeedka Xasan Daahir Aweys ayaa la geeyay xarun ay leeyihiin ciidanka nabadsugidda.

Tallaabadan ayaa ka dambaysey kaddib markii ay wadahadalladii u dhexeeyay Aweys iyo mas'uuliyiinta dowladda ay burbureen.

Odayaal la socday hoggaamiyahan ayaa la sheegayaa inay diideen inay ka tegaan, waxayna ku doodayaan in sidaasi uusan dhigayn heshiiskii lagu keenay Muqdisho.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Eng Cabdiraxman Cumar Yarisow, ayaa shuruud ku xiray magangelyada Aweys.

Waxaa uu sheegay in dowladdu ay arrintaasi tixgelin doonto oo kaliye haddii uu hoggaamiyahan nabadda qaato.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka nabadsugidda ay u gacan qaadeen xildhibaannada iyo odayaasha la socday Aweys, ee diiday in laga qaado gegida diyaaradaha.

Xasan Daahir Aweys ayaa loo arkaa inuu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ururka Al-Shabaab.

Toddobaad ka hor inta uusan Aweys soo gaarin magaalada Cadaado, dagaallo culus ayaa la sheegyay inay ka dheeceen magaalada Baraawe.