Pakistan: Dilkii Usaama Bin Ladin waa fal dambiyeed

Gurigii Bin Ladin
Image caption Guriga uu degganaa Bin Ladin ee Abottabad

Warbixin ay soo saartay dowladda Pakistan ayaa sheegaysa in dilkii Usaama Bin Ladin uu ahaa fal dambiyeed uu Obama amarkiisa bixiyay.

Warbixinta ayaa sheegtay in dilkii, Usaama Bin Ladin, oo muddo laba sandood laga joogo uu ahaa fal dambi ah oo uu si cad u amray madaxweyne Barack Obama.

Dawlada Maraykanku waxay sheegtay in haddii uu Bin Ladin is dhiibi lahaa nolol lagu qaban lahaa oo aan la dileen.

Warbixintaas oo si qarsoodi ah hoos looga dhiibay TV-ga Al-Jazeera, waxaa kale oo ay aad u cambaareysay dawlada Pakistan.

Waxay ciidammada dalka ku eedeeysay in ay ka baaqsadeen in ay ogaadaan in Usaama Bin Ladin uu dalka Pakistan joogay.

Warbixintu waxay saraakiisa Pakistan ku eedaysay, "karti darro weyn" markii ay ogaan waayeen in Bin Ladin uu dalkaas degganaa muddo 9 Sanadood ah.

Magaalada Abottabad ee Bin Ladin lagu dilay waxaa deggan ciidammada dalka Pakistan, waxaana ku yaalla kulliyad militery.

Bin Ladin ayaa muddo 6 sanadood ah degganaa magaalada Abottabad.