Ikhwaanka oo ku gacanseyray doorashada

Aas
Image caption Ikhwaanul Mulimiinka ayaa militeriga ku eedeeyay in ay xasuuq u gaysteen dibedbaxayaasha

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee Masar ayaa ku gacanseyray doorashooyinka uu ku dhawaaqay madaxweynaha KMG ee dalkaas.

Madaxweyne Cadli Mansur ayaa ku dhawaaqay doorashooyin baarlamaan oo la filayo in la qabto billawga sanadka soo socda.

Tallabadan ayaa ku soo beegmayso iyadoo ururka Ikhwanul Muslimiinka ay ku baaqeen dibedbaxyo kale oo ballaaran oo looga soo horjeeda militeriga.

Waxay dalbanayaan in xukunka dib loogu celiyo madaxweynihii ay militerigu xilka ka qaadeen ee Maxamad Mursi.

Ururka waxaa uu ku baaqay dibedbaxyo ballaaran kaddib markii la dilay dad kor u dhaafaya 50 ruux.

Dadkan ayaa dhigayay dibedbaxyo lagu taageersan yahay Maxamad Mursi.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in dadkan la soo weeraray iyagoo tukanayo salaadda subaxa maalintii Isniinta.

Waxay sheegeen in ciidammada militeriga iyo boliiska ay weerarka soo qaadeen.

War ka soo baxay militeriga ayaa sheegay in kooxo "argagixisa" ah ay soo weerareen xarunta ciidanka loo yeqaano ilaalada Jamhuuriga.

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Masar ayaa ku baaqay doorashooyin, iyo welibo in dib u eegid lagu sameeyo destuurkii uu militerigu meesha ka saaray.

Arrintani ayaa timid iyadoo ay is horfadhiyaan miliratiga iyo taageerayaasha madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamed Mursi, meel u dhow xarunta ilaalada Jamhuuriga.

Xaruntaasi ayaa loo malaynayaa in lagu hayo madaxweynihii xilka laga qaaday ee Mursi.