Taageerayaasha Mursi oo dibedbaxaya

  • 5 Luulyo 2013
Taageerayaasha Mursi
Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in dibedbaxyo ballaaran ay dhigayaan maanta oo Jimca ah.

Taageerayaasha Maxamad Mursi ayaa u ballansan dibedbaxyo ay uga soo horjeedaan tallaabada ay militerigu xilka uga qaadeen Mursi.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ugu baaqay dadka reer Masar inay muujiyaan taageerada ay u hayaan Maxamad Mursi.

Tallabadan ayaa ku soo beegmayso iyadoo militeriga uu ka digay in si xun loo adeegsada dibedbaxyada.

Hasa ahaatee, militerigu waxay sheegeen inay oggolyihiin dibedbaxyada nabadda ku dhisan.

Sidoo kale, militerigu waxay codsadeen in la sameeyo dib u heshiisiin qaran, iyagoo sheegay inay gudagelayaan sidii loo suuragelin lahaa arrintaasi.

Horey ayaa madaxweynaha Kumeel gaarka Cadli Mansur ugu baaqay Ururka Ikhwaanul Muslimiinka inay ku soo biraan dib u dhiska dalka.

Afhayeen u hadlay Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in aanay qeyb ka noqon doonin xukun ay sheegeen in laga xoogay madaxweynihii sida sharciga ah loo soo doortay.

Dadka reer Masar ayaa u muuqda inay si weyn ugu kala qeybsan yihiin tallaabada militeriga ay xukunka uga tuureen Maxamad Mursi.