Ikhwaanka Masar oo ku baaqay kacdoon

Dibedbaxyada Masar
Image caption Boliiska ayaa adeegsaday sunta dadka kaga ilmaysiiso

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee Masar ayaa ku baaqay kacdoon kaddib markii la dilay dad kor u dhaafaya 50 ruux.

Dadkan ayaa dhigayay dibedbaxyo lagu taageersan yahay madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in dadkan la soo weeraray iyagoo tukanayo salaadda subaxa.

Waxay sheegeen in ciidammada militeriga iyo boliiska ay weerarka soo qaadeen.

War ka soo baxay militeriga ayaa sheegay in kooxo "argagixisa" ah ay soo weerareen xarunta ciidanka loo yeqaano ilaalada Jamhuuriga.

Xaruntaasi ayaa loo malaynayaa in lagu hayo madaxweynihii xilka laga qaaday ee Mursi.

Waxaa dibedda xaruntan dibedbaxyo ka dhigayay taageerayaasha Mursi, iyadoo sheegay in halkaas ay joogi doonaan ilaa laga soo daynayo Mursi.

Militeriga ayaa sheegaya in ay xireen 200 oo ruux oo ku hubeysnaa mindiyo iyo rasaas.

Ururka Islaamiga ee Al-Nur oo markii hore taageersanaa in xilka laga tuuro Mursi, ayaa haatan sheegay in uu joojiyay wadahadallada siyaasadeed ee uu la lahaa dowladda.

Waxaa uu ku tilmaamay waxa ka dhacay xarunta ilaalada Jamhuuriga "xasuuq"

Ururka Midowga Yurub ayaa ugu baaqay dhinacyada iska soo horjeeda ee Masar, inay joojiyaan qalalaasaha, oo ay wada hadlaan