Hargeysa oo laga maamuli doono hawada

  • 10 Luulyo 2013
Cabdikarim Guuleed
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay heshiiska

Soomaaliya iyo Somaliland ayaa heshiis ka gaaray cidda maammulayso diyaaradaha adeegsada hawada.

Waxay ku heshiiyeen in la dhiso guddi ka kooban labada dhinac oo xaruntooda ay noqon doonto magaalada Hargeysa.

Labada dhinac ayaa maamulka hawada Soomaaliya kala soo wareegi doono Qaramada Midoobay, waxayna ku heshiiyeen in si siman ay u qeybsadaan dakhliga ka soo gala.

Arrintan ayaa ka soo baxday shir wadaxaajood ah oo labada dhinac ay ku lahaayeen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Hasa ahaatee, waxaa muuqata in labada dhinac aysan ku heshiin qodobbadii kale ee ajendaha ku jiray, oo uu ka mid ahaa qodobka gooni isu taagga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdikarim Xuseen Guuleed, oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ayaa so dhaweeyay heshiiskan.

Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in afar bilood kaddib ay haddana ku shiraan isla dalkaas Turkiga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland, Maxamad Cabdullahi Cumar, ayaa isaguna sheegay in arrimaha dhiman looga hadli doono shirarka soo socda.