Dagaalka Kismaayo oo 71 ruux ku dhinteen

Ciidammada Kenya
Image caption Dowladda Soomaaliya ayaa ciidammada Kenya ku eedeysay inay qeyb ka ahaayeen dagaalka Kismaayo

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in 71 ruux ay ku dhinteen dagaallada ka dhacay magaalada Kismaayo toddobaadyadii la soo dhaafay.

Hay'adda caafimaadka adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 300 oo ruux oo kale ay ku dhaawacmeen iska horimaadyada ka dhacy magaaladaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidammada Kenya ku eedeysay inay qeyb ka yihiin dagaallada halkaas ka dhacay.

Waxay warqad ay kaga cabanayso Kenya u qortay ururka Midowga Afrika.

Warqaddan oo sida muuqata, si aan loogu talagelin uga soo baxday Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo aad xasaasi u ah, ayaa waxay ka hadashay, ismaandiid ka dhexeeya dawlada Soomaalida iyo Kenya, oo ay taageerayaan dalal kale oo Afrika iyo Galbeedka ah.

Waraaqdaas oo ay BBC-du Xaqiijisay, waxay Soomaaliya dowladda Kenya ku eedaysay, 'wax qabad la'aan' ay ka muujisay magaalada Kismaayo.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay doonayso in ciidammada Kenya ee ku sugan Kismaayo lagu baddelo kuwa ka dhexdhexaadsan.