Soomaaliya iyo Somaliland oo shiraya

  • 8 Luulyo 2013
Wasiirka Somaliland
Image caption Maxamad Cabdullahi Cumar waxaa uu hoggaaminayaa wafdiga Somaliland ee wadahadallada Turkiga

Magaalada Istaanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ku kulmaya mas'uuliyiin ka socota Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Shirkani waxaa uu daba socdaa shir saddex bilood ka hor isla dalka Turkiga ka dhacay oo labada dhinac ay yeesheen.

Waxay ku heshiiyeen iskaashi dhanka ammaanka iyo ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland, Maxamad Cabdullahi Cumar, oo hoggaaminaya wafdiga dowladdiisa, ayaa sheegay in miiska ay gaynayaan arrinta gooni isu taagga Somaliland.

Hasa ahaatee, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikarim Xuseen Guuleed, ayaa BBC-du u sheegay in ay diyaar u yihiin tanaasul kasta oo aan ahayn in wax loo dhimo "midnimmada dalka".

Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni isu taagga sanadkii 1991, xilligaasi oo Soomaaliya ay ka socdeen dagaallo sokeeye oo ku dhisnaa qaab qabiil.