Cabsi laga qabo dibedbaxyada Masar

Militeriga Masar
Image caption Militeriga Masar ayaa xukunka ka tuuray Maxamad Mursi

Dhinacyada iska soo horjeeda ee Masar ayaa ku baaqay dibedbaxyo, waxaana laga cabsi qabaa in dibedbaxyadu isku beddalaan rabshado.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ugu baaqay taageerayaashooda inay isugu soo baxaan dibedbaxyo looga horimaadsan yahay tallabada ay militerigu xilka uga qaadeen Maxamad Mursi.

Mucaaradka ka soo horjeeday Mursi ayaa iyaguna ugu baaqay taageerayaasha tallabada militeriga inay isugu soo baxaan dibedbaxyo.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in ay nabadda ilaalin doonaan, laakin waxaa jirta cabsi ah inay dhacaan iskahorimaadyo u dhexeeya labada dhinac.

Militeriga Masar ayaa xukunka ka tuuray madaxweyne Maxamad Mursi kaddib dibedbaxyo looga soo horjeeday xukunkiisa toban maalmood ka hor.

Tan iyo xilligaas, waxaa dalka Masar ka socday dibedbaxyo ballaaran oo lagu dalbanayo in Mursi dib loogu soo celiyo xukunka.