Masar oo dacwad ku soo oogtay Mursi

  • 14 Luulyo 2013
Masar
Image caption Taageerayaasha Mursi ayaa maalintii 17-aad ka qeybqaadanayo dibedbaxyo lagu dalbanayo in xukunka lagu soo celiya.

Xafiiska dacwad qaadaha waddanka Masar ayaa sheegay in uu baaritaan ku sameyn doono cabashooyin ka dhan ah madaxweynihii la afgambiyey maxamed Mursi.

Tallabadan ayaa imaanayso iyadoo Maraykanka iyo Jarmalka ay ku baaqeen in la soo daayo Mursi.

Waxaa kale oo dacwaddooda la baarayaa dhowr hoggaamiye oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Cabashooyinkan ayaa soo baxay toddobaad iyo bar kaddib markii miliaterigu xukunka ka tuureen Mursi.

Taageerayaasha Mursi ayaa malintii 17-aad ku sugan dhowr fagaare oo ku yaalla dalka Masar.

Waxay ku baaqayaan in xukunka lagu soo celiya Maxamad Mursi.

Ra'iisalwasaaraha cusub Xaazim al-Beblaawi ayaa sheegay in golaha wasiirrada lagu dhawaaqi doono bartamaha toddbaadkan.

Horey ayuu u sheegay in laga yaabo in xubna ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiinka uu ku soo daro dowladdiisa.

Ikhwaanul Muslimiinka oo uu Mursi ka tirsan yahay ayaa ku gacanseyray hindisaha al-Beblaawi.

Waxay sheegeeh in aanay qeyb ka noqon doonin dowlad ay sheegeen in lagu keenay qori caaraddii.