Mas'uul Maraykan ah oo tegay Masar

Taagerayaasha Mursi
Image caption Taageerayaasha Mursi ayaa sii wado dibedbaxyada in ka daban toddobaad kaddib markii xukunka laga tuuray

Mas'uul sare oo Maraykan ah ayaa gaaray magaalada Qaahira si uu shir ula yeesho madaxda cusub ee Masar.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka William Burns ayaa dhowr maalmood joogi doono Masar.

Maraykanka waxa uu ka mid yahay waddamada ku baaqay in la sii daayo madaxweynihii Masar ee militerigu xukunaka ka tuureen ee Maxamad Mursi.

Maraykanka ayaa deeqda ugu badan siiya militeriga dalka Masar.

Waxaa uu ka gaabsaday in afgembi uu ku tilmaamo waxa Masar ka dhacay, taas oo micnaheedu ahaan lahaa in dalkaas laga joojiyo taageerada Maraykanka.

Waxaa Maraykanku leeyahay sharci dhigayo in taagerada laga jaro waddamada ay ka dhacaan afgembi militeri.