UN oo soo dhaweysay go'aanka Puntland

  • 15 Luulyo 2013
Faroole
Madaxweynaha Puntland ayaa dib u dhigay doorashooyinkii degaanka.

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay go'aanka Puntland ay dib ugu dhigaty doorashooyinka degaanka kaddib iskahorimaadyo ka dhacay halkaas.

Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ku tilmaamay go'aankii Puntland mid geesinimo leh.

Tallabadan ayaa ka dambaysay rabshada ka dhacay degaanno ka tirsan Puntland oo dhowr ruux ay ku dhinteen.

Nicholas Kay ay ku booriyey dhinacyada siyaasadda ee Puntland inay fursadan uga faa'iidaystaan sidii ay u wada shaqayn lahaayeen si loo xaqiijiyo nidaam Dimuquraadi ah oo huwan nabadgelyo.

Madaxweynaha Puntland Cabadiraxman Sheikh Maxamad Faroole ayaa sheegay, in doorashada oo lagu waday in ay dhacdo maanta oo isniin ah, dib loo dhigay.

Puntland ayaa dhowr bilood ka hor gashay hanaanka xisbiyada badan, waxaana la filayay in doorashadan degaanka ay billaw u noqoto dhaqangelinta hanaanka xisbiyada badan.