Dib u celinta qaxootiga oo laga digey

Qaxootiga Dhadhaab
Image caption Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in qaxootiga Soomaaliyeed dib loo celiyo iyadoo aan la raacin xeerarka caalamiga ee qaxootiga

Madaxa laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ka digey in qaxootiga Soomaaliyeed la celiyo iyadoo aan la raacin sharciayada caalamiga ee qaxootiga.

Antonio Guterres waxaa uu sheegay in qorshaha dowladda Kenya ay dib ugu celineyso qoxootiga soomaalida ee ku nool dalka Kenya ay tahay in uu noqdo mid gaarsiisan heerarka caalamiga ah.

Antonio Guterres waxaa kale oo uu sheegay in inkastoo ay ka soo reynayso xaaladda Soomaaliya, haddana dib u celinta qaxootiga ay tahay in ay noqoto mid ikhtiyaar ah.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay inay ka shaqeeyaan sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Kenya.

Laba sano ka hor ayay ahayd markii abaaro ba'an oo ku dhuftay Soomaaliya ay ku qasbeen kummannaan Soomaali ah inay ku soo hayaamaan xeryaha qoxootiga ee ku yaala woqooyiga Kenya.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhab ayaa markii hore loo dhisay dad gaaraya 90,000 oo ruux laakin haatan waxaa ku nool nus malyuun qaxooti ah oo u badan Soomaali.