Olole ah inaan la xirin xawaaladaha Britain

Dahabshil
Image caption Bangiga Barclays ayaa sheegay inuu xiray in ka badan 100 xisaab oo bangiga ay ku lahaayeen xawaaladaha

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka Britain ayaa billaabay olole ah inaan la xirin xisaabaha ay xawaaladaha ku leeyihiin Barclays.

Bangiga Barclays ayaa ah bangiga kaliye ee ugu dambeeya ee weli ay adeegsanayeen xawaaladaha ka howlgalo dalka Britain.

Xildhibaannadan oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Labour ayaa ugu baaqay xukuumadda inay tallaabo deg deg ah qaaddo, si ay u xaliso qatarta soo wajahday lacagaha badan ee loo xawilo waddamada soo koraya.

Lacagahaas oo ay xawilaan shirkadaha xawaaladaha ama dukaamada lacagaha dibedda u diro.

Arrintan ayaa si gaar ah u taabaneyso Soomaaliya, oo aanay ka jirin bangiyo ku shaqeeyo habka rasmiga ah, taasi oo ay ugu wacantahay colaadda daba dheeraatay ee halkaas ka jirta.

Waxaa kale oo ay arrintan saamayn doontaa waddamo kale oo Afrikaan ah sida Nigeria iyo Koonfur Afrika.

Bangiga Barclays ee Britain ayaa sheegay in uu xiray in ka badan 100 xisaabood oo ay bangiaas ku lahaayeen xawaaladaha.

Hase ahaatee, waxaa uu muddo bil ah oo dheeri ah siiyay shirkadda Dahabshil oo ka mid shirkadaha ugu waaweyn ee lacagaha u xawilo Soomaaliya