Golaha wasiirrada Masar oo la dhaariyay

Xaazim Al-Beblaawi
Image caption Ra'iisalwasaare Xaazim al-Beblaawi ayaa magacaabay gole cusub oo wasiirro ah

Golaha cusub ee wasiirrada Masar ayaa la dhaariyay iyadoo taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ay sii wadaan dibedbaxyada looga soo horjeeda militeriga.

Dhaarinta xukuumadda KMG ah aya imaanaaya kaddib rabshado cusub oo dalkaasi ka dhacay maalin ka hor.

Xukuumadda cusub ayaa waxaan ku jirrin ururka Ikhwaanul Muslimiinka, ee uu ka tirsanaa Madaxweynihii ay ciidammadu xilka ka tuureen, Maxamad Mursi.

Wasiirrada uu soo magacaabay Ra'iisalwasaare Xaazim Al-Beblawi waxaa ka midh ah taliyaha ciidanka militeriga, Cabdifataax Al-Sisi, oo sii haynayo xilkiisii ahaa wasiirka difaaca.

Waxaa kale oo loo magacaabay inuu dowladda cusub ka noqdo ra'iisalwasaare ku xigeen.

Afhayeen u hadlay ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ku gacanseyray magacaabidda golaha cusub ee wasiirrada.

Waxaa uu ku tilmaamay mid sharci darro ah oo Ikhwaanku aanay ka qeybqaadan doonin.

Taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi ayaa sii wada dibedbaxyadooda.

Iskahorimaad maalin ka hor ka dhacay caasimadda dalkaas ee Qaahira waxaa ku dhintay ugu yaraan 7 ruux, dhowr boqolna way ku dhaawacmeen.

Boqoalaal kun oo ka mid ah taageerayaasha Maxamad Mursi ayaa bartamaha Qaahira isugu soo baxay, iyagoo ku baaqayo in Mursi xukunka dib loogu soo celiyo.