Diyaarad Itoobiyaan ah oo dab qabsaday

Ethiopian Queen Sheba airliner

Dhabbaha diyaaradaha ee garoonka Heathrow ayaa dib loo furay ka dib markii dhawr saacadoo ay xidhnaayeen, sababta oo ahayd diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ah nooca cusub ee loo yaqaanno Boeing 787 Dreamliner oo halkaasi dab ku qabsaday.

Waxa la joojiyey in muddo ah dadkii ka dhoofi lahaa garoonka iyo rakaabkii diyaaradaha kale ee soo degayey, ka dib markii shaqaalaha dabdemiska ee garoonku ay masquul ka wada noqdeen shilkani, si ay dabkaasi u demiyaan

Xilligaasi dabku qabsaday waxa la sheegay in aanay ku dhex jirin wax raab ahi, isla markaasina diyaaraddu taalley meel dacal ah.

Ilaa hadda lama sheegin sababta dabka kicisay, laakiin hadda ka hor bishii January waxa dib loo soo fadhiisiyey ilaa 50 diyaaradood oo ah noocan cusub ee Dreamlinerka oo adduunka ka kala hawlgelayey, oo lagu arkay cillado ka bilaabmay baateriyada diyaaradahaas.

Diyaaraddan laga lahaa dalka Itoobiya oo loo bixiyey Boqoraddii Shawa, waxay markii ugu horraysey ka dusha Addis Ababa, waxayna tagtay Nairobi, socdaalladeedii hore ee bialwga ahaa.