Qarax dad ku dhintay oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan inta ilaa iyo hadda la ogyahay shan qof ayaa ku dhintay qarax weyn oo ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo ka dhacay waddada u dhaxaysa KM4 iyo garoonka diyaaradaha, waxa la rumysan yahay in lala beegsanayey kolanyo baabuur ah oo ay leeyihiin ciidamada nabad-ilaalinta ee Afrikaanka ah.

Qof tegey goobtaasi waxa uu sheegay in indhihiisa uu ku soo arkay ugu yaraan shan qof oo meyd ah oo rayid ah oo halkaas wadhnaa. Waxa kale oo la rumaysan yahay inuu geystey dhaawacyo kale oo badan.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegay inay qaraxaasi la bartilmaameedsanayeen ajanebiga jooga dalka. Ciidamada nabad-ilaalinta ee ururka Midowga Afrika waxay sheegeen in laba askari ay kaga dhaawacmeen qaraxaasi.

Qaraxu waxa la sheegay inuu saameeyey oo kale, aanu burburiyey meherado badan oo ku yaalley waddada.

Bishii aynnu soo dhaafnay ilaa 15 qof oo ay ku jiraan 4 ajanebi ah ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday xaruntii Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa ee Muqdishu.

qaraxani maantuu uu ka dhacayna si weyn ugama foga goobtaasi hore.